Kængurubibliotek_somali
Doorka gurigu ku leeyahay waxbarshada iyo horumarka caruurta.
Gurigu wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa barashada iyo horumarka carruurta. Jawiga waxbarasho ee guriga waxa uu saameyn weyn ku leeyahay sida carruurtu ugu guuleystaan iskuulka iyo nolosha dambe. Waalidiintu waa tusaale fiican oo luqadeed, maadaama carruurtu si weyn ugu daydaan habka ay waalidiintoodu u isticmaalaan luqadda.
Akhrinta buug waalidku la akhriyo ilmaha waa fursad wanaagsan oo lagu kobcin karo khibradda luqadeed ee ilmaha, laguna siin karo waayo-aragnimooyin cusub oo ku saabsan afka. Wadahadalka iyo akhrinta wadajirka ah waxay ilmaha ka caawisaa inuu kobciyo eraybixintiisa – taas oo muhiim u ah horumarka xirfadda akhriska mustaqbalka.
Buugaagtu waxay sidoo kale furaan suurtagalnimada in laga sheekeeyo arrimo mala-awaal ah sida mas-duugyo, boqorad iyo trollooyin. Wadahadalladan mala-awaalka ah waxay ilmaha ka dhigaan kuwo xiiseeya oo wax cusub baranaya. Haddii ilmaha lagu bilaabo luqad hodan ah iyo wadahadallo macno leh xilli hore noloshooda, waxay heli doonaan saldhig adag oo u suurtagelinaya inay si fiican wax u bartaan oo u koraan.